Ciidanka Badda Puntlland oo ku guulaystay in ay soo furtaan 2 Markab oo kala ah MV Daesan iyo MV Iceberg 1
December 23, 2012 - Written byGaracad:-War saxaafadeed ka soo baxay dowllada Puntlland ayaa dhawaan waxaa lagu sheegay in ciidanka Badda ee Puntland ay badbaadiyeen ilaa 22 shaqaalo ah oo afduub loogu haystay Markabka MV1 ka dib markii ay ciidanka badda Puntlland ay hareereeyeen Markabka 10 December Markabka oo lagu heystay degaan ku dhow Degmada Garacad ee Gobolka Mudug.
Ciidanka Badda dowllada Puntlland ayaa mudo ka badan 2 usbuuc waxaa ay iska horumaad iyo is rasaasayn u dhexaysay koox buracadbadeed ah oo Markabka ku haystay afduub waxaan iska horimaadkaas ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray ciidanka badda ee Puntlland iyo Burcadbadeedka.
Waxaa kale oo warsaxaafeedka lagu sheegay in ciidanka badda Puntlland ay ku guulaysteen soo furashada Markabkii MV Daesan oo ay dhawaan afduubeen askar ilaalo ka haysay iyagoo u ka xaystay dhinac degmada Garacad. Cidanka Badda Puntlland ayaa qabtay ilaa 8 askari oo afuudbay Markabka MV Daesan waxaan ay sheegeen in Maxkamada la soo taagi doono dhawaan.
Halkaan ka eeg Puntland Forces Safely Rescue 22 Hostages of MV Iceberg 1 (English)
Ciidamada Puntland oo soo Furtay Dad Afduub loogu Haystay Markabka MV Iceberg1 (Soomaali)
M_M_Deeq
Halgan.net