Dagaal beeleed ka dhacay tuulada Mareer iyo Ururka Al-Shabaab oo ciidan u diray
December 1, 2012 - Written byGalgaduud:-Wararka naga soo gaaray gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal uu dhexmaray laba maleeshiyo oo ka soo kala jeeda deegaannada Ceel-garas iyo Cadaado ka dib markii ay isku qabsadeen baraago biyaha laga cabbo oo la sheegay in murankooda uu socday in mudo ah la aasay.
Dagaalka dhexmaray labada beel ee walaalaha ah ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen ku dhawaad 5 qof tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay tuulada Mareer oo qiyaastii 100 km u jirta magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud..
Odayaal iyo Nabadoono ka soo jeeda deegaannada Ceel-garas iyo Cadaado ayaa u baqoolay galabta tuulada Mareer si loo kala dhexgalo beelaha ku dagaalamay tuulada Mareer.
Ururka Al-Shabaab ayaa ciidamo u diray tuulada Mareer si ay u kala dhexgalaan labada beelood ee dagaalka fitnada ah uu ka dhex curtay waxaana wararkii ugu danbeeyey ee sheegayaan in haatan ay degan tahay tuulada Mareer balse ay jiraan xiisad hub uruursi ay wadaan labada beel ee ku dagaalantay tuulada Mareer.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net