Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalacsiiyey Saraakiil ka tirsan ciidanka JFS (Warsaxaafadeed)
December 20, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa munaasabad ka dhacday xarunta Villa Somomaaliya ku dalacsiiyay sagaal sarkaal oo ka tirsan ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.
Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdi Xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas Ge. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga.Saraakishan dalacday ayaa waxeey tababar heer sare ah ku soo qaateen dalka Yuganda. Kadibna waxaa soo jeediyay Wasaaradda Gaashaandhiga in la dalacsiiyo saraakiishaan.
Madaxweynaha, oo munaasabadaas kala dar-daarmay saraakiisha cusub ayaa wuxuu yiri” Ummaddaan haybadeeda iyo sharafteeda in aad usoo celisaan ayaa la’idinka doonayaa, gabadha Soomaalida ah ee xeradda qaxootiga ku jirta oo Soomaaliya garaneyn ee laakin xerada qaxooti ugu jirto,madaama ay Soomaali tahay ayaa la’idinka sugayaa in aad dalkeeda dib ugu soo celisaan”.Saraakiishan ayaa ah kuwii ugu horeyay ee muddo labaatan iyo labo sanno ah ay dawlad aan ku meel gaar aheyn ay dalacsiisay.
no images were found
Waxaa ugu danbeyntii Madaxweyne Xassan Sh. Ku soo qatimay in saraakishan xidigta caawa lagu dalacsiiyay ay masuuliyad ka saarantahay shacabka Soomaaliyeed. Sidaas darteedna looga baahan yahay in ay dhowran nidaamka ciidamadda iyo sharafta Qaranka.
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia