Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Cabdalle Guul
December 5, 2012 - Written byTurkiya:-Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Cabdalle Guul kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga iyaga oo ka wada hadlay arimo kala duwan.
Kulankan maanta dhaxmaray labada madaxweyne ayaa waxaa ku weheliyey wasiiro ka tirsan DFS iyo dowlahada Turkiga waxaana kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo kordhin lahaa mashaariicda ay dowlada Turkiga ka fuliso gudaha Soomaaliya,
Markii uu soo dhamaaday kulankii ay saaka wada qaateen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa shir jaraa’id si wada jir ah u qabtay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Turkiga Cabdalle Guul iyaga oo sheegay in kulakoodii uu guul ku soo dhamaaday.
Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa sheegay in labada dal ay ka wada hadleen iskaashiga xaga amaanka waxaana uu amaan u soo jeediyey dowlada iyo shacabka Turkiga sida ay u garab taagan yihiin mar walba shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyanaha dalka Turkiga Cabdalle Guul ayaa sheegay in dowladiisa ay kordhin doonto mashaariicda horumarineed ay dowladiisa ka wado Soomaaliya waxaana sidoo kale heshiis xaga amaanka ah kala saxiixaday wasiirada G/dhiga ee labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net