Madaxweynaha DFS oo la kulmay Ergayga gaarka ah ee QM Ambassador Augustine Mahiga.[War-saxaafadeed]
December 19, 2012 - Written byMogadishu:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh.Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Soomaaliya Ergayga gaarka ah ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaliya Ambassador Augustine Mahiga. Kulankaas ayaa waxaa uu Madaxwey naha kaga hadlay dhowr arimood oo ay ka midyihiin,xal u helida dhalin yarada da’da yare ee iska soo dhiibayo dhinaca ururka Al-shabaab iyo doorka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.” Haa waan u baahanahay in ay beesha Caalamka na saacidaan, laakin waa marka anaga waxaan codsano nalaga saacido” Madaxweynaha ayaa saa ku wargeliyay Ergayga gaarka ah ee Qaramda Midoobay.
Ugu danbeyntii,Madaxwenyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay looga baahan yahay in hey’ ad walba ay la shaqeeyso Wasaarda ay isku shaqada yihiin.Taasina ay keeneyso in Wasardahaas ay horumar gaaraan.
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia