Madaxweynaha Dowladda Puntland oo booqday xabsiga magaalada Boosaaso
December 4, 2012 - Written byBoosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Sh Maxamed Faroole ayaa maanta booqasho ku tagay xabsiga weyn ee magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari isaga oo xariga ka jaray qaybo cusub oo lagu kordhiyey xabsiga magaalada Boosaaso .
Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa waxaa kormeerkiisa ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar iyo madax UNODC Puntland Cabdirisaaq Maxamed Jaamac oo ay hay,adiisu qeyb weyn ka qaadatay dayactirska xabsiga magaalada Boosaaso iyo saraakiil ka soctey madaxtoyada Puntland
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Sh Maxamed Faroole ayaa khudbad kooban ka jeediyey ka dib markii uu furay qeybaha lagu kordhiyey xabsiga magaalada Boosaaso wuxuuna sheegay in xabsiga lagu xiri doono lana keeni doono burcadbadeeda Soomaaliyeed ee ku xiran Caalamka si loo dhaqan celiyo eheladoodana ay u soo booqdaan.
Madaxweynaha Puntland ayaa isla bishan gudaheeda sidoo kale xariga ka jarey xabsiga weyn ee magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar isaga oo sheegay in waxqabadka xukumadiisa ay tahay mid la taaban karo.
M_M Deeq
Halgan.net