Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku tegi doona dalka Turkiga
December 4, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa lagu wadaa in ay safar ku gaaraan dalka Turkiga maalmaha soo socda. Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa uu casumaad ka hellay Madaxweynaha dalka Turkiga Abdullah Gül , wafdiga madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay ka kooban yihiin ilaa 5 xubnood oo ka kooban 4 wasiir iyo Taliyaha guud ee ciidanka DFS Jeneraal Cabdulqadir Sh.Cali Diini.
Safarka Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh.Maxamuud ayaa waxaa uu salka ku hayaa safaro la xiriira dhinac dhaqaalaha iyo amniga oo ay masuuliyiin ka tirsnaa dowlladii hore ee DFS ay la saxiixdeen dowllada Turkiga arrimo ku saabsan xasilooni darada ka jirta Afrika.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dalka Turkiga Abdullah Gül ayaa lagu shaaciyey in madaxweynaha DFS iyo wafdi la socda ay imaan doonaa maalmaha soo socda dalka Turkiga ka dib casumaad ay ka helleen dowllada Turkiga ay ku faraxsan yihiin.
A/cawaale
Halgan.net