Masjidka Imaam Al-Shaafici ee Minnesota oo la wareegay dhisme Cusub (Daawo)
December 16, 2012 - Written byMinnesota:-Xili ay sii kordheyso Soomaalida soo degaysa gobolka Minnesota oo lagu qiyaasay inay gaarayaa ilaa 100,000 oo qof ayaa waxaa mooda iyaduna inay ku soo badanayaan masajidada iyo madaariskta lagu barto culuumta islaamka. Waxaa maanta masajidka imam shaafici la wareegay dhisme ku oolaa xaafada ay soomalidu u badan tahay ee lagu magacaabo Cedar.
Dhismahaa waxaa u ahaa meel dadka gaalada ah ay isugu yimaadaan habeenkii kuna caweeyaan (night club) laguna iibiyo khamriga. Dadwaynaha xaafada degan meshaasi waxay ku ahayd meel ay uga baqaan in caruurtoodu arkaan dadkaa gaalada ah dabadeedna sameeyaan waxaa ay gaaladu samaynayso. waxay go’aan ku gaareen in loo iibiyo masaajidka shaafici.
Masaajidka Imaam shaafici oo ahaa masajidkii u horeeyey ee ay soomalidu yeelato, wuxuu deganaa meel kiro ah muddo ilaa 13 sano ah. wuxu masaajidka iyo dadwaynaha xaafaduba xooga saareen sidii loo iibsan lahaa. Ilaahay mahadii maanta ayaa gurigii lagu soo wareejiyey masaajidka shaafici.
no images were found
Waxaan mahad gaar ah u celinaynaa dadwaynaha arintaa hirgaliyey kana qayb qaatay sidii masaajidku u heli lahaa dhisme isaga u gaar ah. Waxaan ilaah uga baryeynaa cidii ka qayb qadatay in ilahay ugu daro miisaanka xasanaadka.
Sheekh Qardhaawi oo ka mid ah masuuliinta Masjidka Shaafici iyo ducaada Magaalada Minneapolis ee ka tirsan gobolka Minneapolis ayaa la soo wareegay furihii dhismaha markii ay bisha December ahayd 13 sanadkan 2012.
Wixii faafaahin ah kala soo xiriir maamulka masaajidka shaafici Maxamud
1-612-205-9746