Maxaabiis ka baxsatay xalay xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo
December 3, 2012 - Written byBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in xalay maxaabiis gaareysa ilaa 20 ay ka baxsadeen xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo kuwaas oo loo heystay eedeymo kala duwan.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Asluubta ee DFS ayaa sheegay in ku dhawaad 20 maxaabiis ah oo ay ku jireen kuwa ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay xalay ka baxsadeen xabsiga ka dib markii jabi yeen albaabka xabsiga ay ku jireen wuxuuna ku eedeeyey in qaar ka mid ah ilaalada xabsiga ay arinkaas fududeeyeen.
Maxaabiista ka baxsatay xabsiga ayaa waxaa qaarkood lagu xukumay inta u dhaxeysa 12 sano ilaa 7 sano waxayna iskgu jireen rag loo heystay danbiyo kale duwan . Ciidanka DFS ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan 7 ka mid ah maxaabiistii xalay ka baxsatay xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo sida uu saxaafada magaalada Muqdisho u sheegay sarkaal ka tirsan DFS.
A/Cawale
Halgan.net