Qarax ka dhacay meel aan ka fogeyn Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi
December 16, 2012 - Written byNairobi:-Waxaa daqiiqado ka hor ka dhacay dhabarka danbe ee Masjid ka Alhidaaya ee magaalada Nairobi qarax aan ilaa hadda la aqoon cidda ka danbaysa ,qaraxa ka dib ayaa ciidanka Booliska ay soo gaareen goobta iyagoo dhamaan xiray wadooyinka soo gala Masjidka , qarax ayaa dhacay 8:35 xil wax yar dadku ay ka soo baxeen salaadii cisha
Qarax dhacay ayaa la sheegayaa in uu ahaa ilaa 3 qarax oo ka dhacay xaafada Kambaniyada ee u dhow Masaajidka Hidaaya ee Jaamka waxaan warar hor dhac ah oo soo gaaray Halgan.net ay sheegayan in Bam gacmeed lagu werraray baar lagu cabo khamriga oo ku yaal Buufalo waxaan ku dhaawacmay hal qof, qarax caawa ayaa ah kii 2aad oo lala eegto goob u dhow Masjidka Al-hidaaya oo maalmo ka hor qarax bam ah lala bartilaamsaday dad muslin ah oo ka soo baxayey salaadii cishe.
Qaraxyada ka dhacaya magaalada dalka Kenya ayaa waxaa ay ka dhacayaan goobaha ay degan yihiin dadka muslimiinta ah gaar ahaan Soomaalida iyadoo arrinkaas ay welwel ku abuurtay dadka soomaalida ah, ciidanka Booliska Kenya ayaa markii uu qarax dhaco iyagu waxaa ay bartilaamsadaan dadka Soomaaliyeed si ay wixii lacag ah ay uga furtaan una jir dilaan.
Dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya ayaa markii qarax uu dhaco waxaa soo weerara dadka Kenyaanka ah oo iyagu dil iyo boob iskugu dara bulshada Soomaaliyeed gaarayna in ay kufsadaan gabdhaha Soomaaliyeed ee muslimiinta ah sidda dhacday maalmihii qaraxyadu ka dhaceen magaalada Nairobi iyo Gaarisa.
Wixii ku soo kordhaa kala soco warkeena dambe hadii aale idmo.
Halgan.net
Nairobi