Qardho oo laga joojiyey Shirarka siyaasadeed aysan dowlada ka warqabin
December 28, 2012 - Written byQardho:-Kulan ay isigu yimaadeen Masuuliin ka tirsan dowlada Puntland oo lagu qabtay shalay hoolka shirarka ee degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa looga hadlay sugida amaanka iyo in aan Degmada Qardho lagu qaban karin shirar siyaasadeed oo aysan dowlada ka war qabin.
Kulanka shalay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiru dowlaha Sharciga madaxtoyada Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr ,gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Quraan ,nabadoono iyo waxgarad ,si weyn looga yaqaan Degmada Qardho waxaana kulanka ka dib la isla qaatey in laga wada shaqeeyo amniga gobalka Karkaar iyo dhamaan deegaanada Puntland .
Wasiiru dowlaha Sharciga madaxtoyada Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr ayaa waxaa la hadlay saxaafada waxaana uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan Degmada Qardho in ay ka wada shaqeeyaan xoojinta amaanka waxaana uu sheegay in dhamaan waxgaradka iyo Nabadoonada gobalka Karkaar ay arinkaas isku afgarteen.
Dhanka kale gudoomiyaha gobalka Karkaar Cabdi Quraan ayaa sheegay in aysan marna u dulqaadan doonin shirar siyaasadeed oo uusan maamulka gobalka iyo kan Degmada aysan la socon wuxuuna si cad u sheegay in aan lagu qaban karin Degmada Qardho shirar siyaasadeed oo aysan dowlada ogeyn.
Baaqyadan ka soo baxaya wasiiru dowlaha Sharciga madaxtoyada Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr iyo Cabdi Quraan Gudoomiyaha Gobalka Karkaar ayaa ku soo aadaya xili ay xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka jirto Puntland taas oo u dhexeysa Dowlada Puntland iyo siyaasiyiin horey wasiiro u ahaa oo haatan mucaarad ah.
M_M Deeq
Halgan.net