Wafdi wasiiro ah oo ka tirsan DFS oo ku sii jeeda magaalada Kismaayo
December 27, 2012 - Written byKismaayo:-Wafdi ka socda dowllada Federaalka Soomaaliya ayaa saaaka ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee caasimada Gobolka Jubada hoose, wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka arrimaha Gudaha , wasiirka gaashaandhiga , wasiirka cadaalada iyo wasiirka boostada iyo is gaarsiinta.
Wafdigaan dowllada federaalkaSoomaaliya ayaa markii ay gaaraan magaalada Kismaayo waxaa ay kulan gaar ah la yeelan doonaan maamulka ku meel gaarka ah ee uu guddoomiyaha u yahay Axmed Maxamed Islaan axmed Madoobe iyo saraakiisha ciidanka raaskaambooni , kuwa DFS iyo Saraakiisha ciidanka Kenya.
Ilaa hadda ma cada socdaalka wafdigaan wasiirada ah ay ku aadayaan magaalada Kismaayo wax uu ku saabsan yahay balse waxaa la filayaa in ay kormeeri doonaa xaalada amni ee magaalada iyo goobta uu ka socodo shirka la doonayo in lagu dhiso maamul gobolleed loogu magac daray Juballand oo ay ku bahoobeen beelaha dega Gobollada Jubooyinka.
Safarka wasiirada ka tirsan DFS ay ku aadayaan magaalada Kismaayo ayaa ku soo beeg maya xili maalin ka hor ay kulan ku yeesheen magaalada Nairobi Madaxweynaha dowllada federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyahah maamulka ku meel gaarka ee magaalada Kismaayo Axmed Maxamed islaan Axmed Madoobe.
Wixii warar ah oo soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin donaa insha Allaahu
A/cawaale
Halgan.net