Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga DFS oo gaaray magaalada Marka
December 2, 2012 - Written byMarka:-Wafdi uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha ee DFS Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta gaaray Degmada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha Hoose waxaana kormeerkiisa ku weheliyey wasiirka G/dhiga DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Garsoorka C/laahi Abyan Nuur ,xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.
Wafdiga wasiirka arimaha gudaha ee DFS Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu ku sii hakaday inta uusan gaarin Degmada Marka tuulooyin ku dhow waxaana uu la kulmay dadweyne kala duwan ,Socdaalka wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa lagu sheegay in uu salka ku hayo soo xalinta khilaaf ka dhex aloosan maamulka Degmada Marka ee DFS kuwaas oo dhowr mar ay ciidamo ka tirsan dowlada ay ku dagaalameen.
Sidoo kale socdaalkan ayaa salka ku haya sidii loo qaadi lahaa isbaaroonika daadsan Muqdisho ilaa Marka kuwaas oo ay aad uga cawdeen dadweyna iyo darawalada ka dhaqeeya inta u dhexeysa Marka ilaa Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net