Wasiirka G/dhiga ee DFS oo gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe
December 10, 2012 - Written byJowhar:-Wasiirka G/dhiga DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo saraakiil sare oo ka tirsan DFS iyo AMISOM ayaa goordhow gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo ay shalay la wareegeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM
Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa waxaa sidoo kale socdaalkiisa ku weheliyey taliyaha ciidanka xooga ee DFS Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM wasiirka G/dhiga ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta booqdo Degmada Jowhar xili ay gacanta ku hayaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM
Wasiirka G/dhiga ee DFSC/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dowlada ay dajisay qorshe ay kula wareegeyso dhamaan Shabeellada dhexe iyo Hiiraan wuxuuna sheegay in ciidamda DFS iyo kuwa AMISOM ay u talaabi doonaan degmada Buulo-burte oo ka fogeyn Degmada Jowhar.
Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellada dhexe ayaa aad loo adkeeyey amaankeeda inta uusan soo gaarin wafdiga uu horkacayo wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi waxaana uu wasiirku kulamo la qaadan doonaa saraakiisha DFS iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Degmada Jowhar .
Dhinaca kale Ururka Al-Shabaab ayaa wacad ku maray sidoo kale in ay dib ula wareegi doonaan Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay waxayna sheegeen in ay xeelad dagaal uga saareen ciidamadooda si ay dagaal dheer oo dhiig bax ah ay ula galaan ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM .
A/Cawale
Halgan.net