Wasiirka G/dhiga ee dowlada Jabuuti oo soo gaaray magaalada B/weyne
December 2, 2012 - Written byHiiraan:-Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka G/dhiga ee dalka Jabuuti Cabdulqaadir Maxamed Kaamil ayaa maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana si weyn ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif madaxda gobalka iyo saraakiil ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.
Wasiirka G/dhiga ee dalka Jabuuti ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey taliyaha ciidamada nabad-sugidda Jabuuti Xasan Saciid iyo abaanduulaha ciidamada Jabuuti Sakariye Sheekh Ibraahim iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowlada Jabuuti.Wafdiga Jabuuti ayaa waxaa uu kulan la qaatay madaxda gobalka Hiiraan iyo saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS waxaana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa labada dal iyo sidii loo sugi lahaa amaanka gobalka Hiiraan.A/Cawale
Halgan.net
Halgan.net