Xildhibaan ka tirsanaa golaha degaanka Laascaanood oo caawa la dhaawacay
December 20, 2012 - Written byLaascaanood:-Waxaa caawa lagu dhaawacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool mid ka mid ah Xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Laascaanood oo dhowaan la doortay. Xildhibaanka la dhaawacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdicasiis Xuseen Xassan iyagoo rag hubeysan ay rasaas ay ku fureen ay ka haleeshay qoorta iyo lugta.
Ciidanka Booliska ee magaalada Laascaanood oo sameeyey howl ayaa qabtay ilaa 2-bo qof oo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyeen weerarka la doonayey in lagu khaarajiyo Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Xassan. Mid ka mid ah 2-da qof ee ay ciidanka Boolisku ay qabteen ayaa waxaa uu qabaa dhaawac waxaan eedeysanayaashaan caawa lagu xiray Saldhiga magaalada Laascaanood.
Dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ayaa ah kuwa lagu bartilmaamsado masuuliyiinta iyo waxgarad ka tirsan maamulka S/lland iyo Puntlland ee ku nool magaalooyinka Laascaanood , Boosaaso, Gaalkacyo mana jirto ilaa hadda cid sheegta dilalkaas iyo qaraxyada. Magaalada Laascaanood Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa qaraxyo iyo dilal qorshayn waxaa lagu dilay Saraakiil , Nabadoono,ganacsato, Wariyaal iyo waxgarad kale.
Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Xassan ayaa isla caawa waxaa dhaawaciisa loo qaaday magaalada Hargeysa ee caasimada S/lland iyadoo ay dhakhaatiirto ay la tacaalayaan dhaawaciisa.
M_M_Deeq
Halgan.net