Guddi-hoosaadada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la ansaxiyey maanta
December 15, 2012 - Written byMuqdisho:-Xildhibaannada baarlamaanka DFS ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay gudi hoosaadyo uu yeelan doono golaha baarlamaanka DFS waxaana ay gudiyadaas gaarayaan 15 guddi-hoosaad kuwaas oo ka howlgali doona lana xisaabtami doona wasaaradaha xukuumada Soomaaliya.
Kulanka Baarlamaanka ee DFS ayaa waxaa maanta shirgudoominayey gudoomiyaha baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana kulanka soo xaadiray 158 xildhibaan waxaana markii cod loo qaaday gudihoosaadka baarlamaanka haa ku codeeyey 156 xildhibaan .
Golaha baarlamaanka ayaa waxaa kale oo uu ansaxiyey guddi joogto ah oo uu madax u yahay guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa kuwaas oo si joogta ah uga shaqeyn doona sidii dardar la galiyo howlaha baarlamaanka Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net