Xubnaha baarlamaanka DFS oo loo qeybiyey miisaaniyada 2013 ee xukuumada
December 18, 2012 - Written byMuqdisho:-Kulan ay maanta isigu yimaadeen Xildhibaannada baarlamaanka DFS ayaa waxaa loo qaybiyey miisaaniyad-sanadka soo socda ee 2013 ay ku dhaqeyn doonto xukuumada DFS oo uu hogaamiyo Raisulwasaare Saacid .
Kulanka ay maanta isigu yimaadeen xildhibaannada DFS ayaa waxaa shirgudoominayey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka DFS Jeylaani Nuur Iikar, waxaana kulanka soo xaadiray ilaa 170-xildhibaan.
Qorshaha Miisaaniyada xukuumada DFS ayaa waxaa baarlamaanka horkeenay Wasiirka maaliyadda iyo qorshaynta ee DFS Maxamuud Xasan Suleymaan waxaana uu ka codsaday xildhibaanada DFS in ay ka doodaan oo wixii ay u arkaan khalad ay soo saxaan .
Baarlamaanka DFS ayaa waxaa la filyaa in uu ka doodo miisaaniyada sanadka soo socda ee 2013 isbuuca soo socda waxaana bishan ku eg miisaaniyadda ay xukuumaddu haatan ay ku shaqeyso.
A/Cawale
Halgan.net