Dhallinyaro Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Cape Town (Masawiro)

January 28, 2013 - Written by

DSCN9964Cape Town:-Waxaa caawa lagu qabtay qaybta shirarka ee Markazka As-sunnah kulan qiima badan oo ah kulanka bishiiba mar ay qabtaan dhallinyarada dacwada ee Gobolkan western cape, kulanka ayaa yimi kaddib markii dhowaan golaha dhallinyaradu ay samaysteen maamul cusub oo beddeli doona maamulkii ka horreeyay shaqaynna doona muddo sannad ah haddii Allaah idmo.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen dadweyne kala duwan, dhallinyrada, Ardayda madarasada As-sunna, Ardayda wax ka barata jaamacadaha Cape Town iyo Mas’uuliyiinta Golaha Dacwada ee Albayaan. Waxaa ugu horrayn Maxamed Rashaad oo kamid ah mas’uuliyiinta dhallinyaradu uu cod baahiyaha kusoo dhoweeyay Sheekh Xuseen Shibis oo kamid ah Ducaadda iyo mas’uuliyiinta Albayaan wuxuuna soo jeediyay Muxaadaro ku saabsan is-jacaylka.

Muxaadaradii labaad ayaa waxaa soo jeediyay Sheekh Maxamuud Adar oo ah mas’uulka dacwada ee Albayaan Cape Town, Wuxuuna ka hadlay qiimaha aqoonta gaar ahaan wax qorista iyo wax akhrinta intaas ka dib waxaa lagu sharfay inay Shahaado sharaf guddoonsiiyaan dhallinyaradii kasoo hawl-gashay Mu’tamarkii 3aad ee Cape Town-

Sheekh Maxamuud Adar, Sheekh Xuseen Shibis iyo Sheekh Axmed (Bahjuddiin) halkaas oo ay ku guddoonsiiyeen Shahaadoo-sharafeed ka socota Golaha Dacwada ee Albayaan 11 Dhallinyaro ah oo ku mutaystay shahaado sharafeedka kaalintii ay ku lahaayeen guul ku dhammaanshihii Mu’tamarka iyo dadaalka dheeraadka ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin horumarinta dacwada.

Dhallinyaradaa ayaa waxay kala ahaayeen:
1. Nuur  Cali   Xasan
2.Salmaan Siciid Xaaji
3.Maxamed  Cumar  Xasan
4.Yuusuf Dhuubow Cabdi
5.Khaalid Cali Maxamuud
6.Maxamed Sheekh Yuusuf
7.Cabdullaahi Sh.Xuseen Xasan
8.Cabdiwahaab Shire Cali
9.Abuukar Macallin Maxamuud
10.Cabdiraxmaan Axmed Cabdi
11.Cabdisalaam Axmed Maxamed .

Halkan ka Daawo Masawirada

Xafiiska Warbaahinta ee Albayaan (Cape Town)
www.albayaan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online