Madaxweynaha DFS oo ka qeyb galay shirka Midowga Afrika ee lagu qabtay Addis Ababa.

January 28, 2013 - Written by

IMG_0747Addis Ababa:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi oo hogaaminayo ayaa  waxey ka qeyb galeen kulankii 20-Aad ee Midowga  Afrika oo ka dhacay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Waxaa kale oo qeyb ka ah  wafdiga R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, Safiirka Soomaalya u fadhiya Itoobiyo mudane Siciid Yusuf Nuur,iyo la taliyayayaal .

Markii ugu horaysay muddo dhan  labaatan sanno ayuu Madaxweyne Soomaaliyeed qudbad ka jeediyay Xarunta Midowga Afrika.Madaxweynaha ayaa wuxuu ka hadlay siyaasadda cusub ee Soomaaliya taas oo ku saleysan Lixda Tiir siyasadeed ee uu kow ka yahay amniga.” Soomaaliya waxey hadda  saarantahay waddadii saxda aheyd waxeyna ka mid tahay dalalka Midowga Africa.“Goobtaas ayaa Madaxweynaha aad loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud ayaa sidoo kale u mahad celiyay Midowga Afrika iyo beesha caalamka, sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu gargaareen.

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha wuxuu  kulamo la qaatay,Madax fara badan oo ay ka midyihiin.Madaxweynaha Dowladda Equetorial Guinea,Tunisia,,Kenya,Nigeria,. Waxaa kale uu la kulmay Xogahyaha Guud ee Qaramadda Midoobay.

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

Villa, Somalia, Muqdisho

media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online