Abu Yaasir Al-Muqdisho oo mar kale ka hadlay xaqiiqada Madaxda Al-shabaab.[Dhagayso].

September 18, 2013 - Written by Editor

voaBaardheere:-Waxaa maanta mar kale lagu faafiyey mareegta Rasminews fariin cod ah oo ay diyaariyeen Muasasa Al-Zeylici fariin ay ka duubeen Abu Yaasir Al-Muqdishi wuxuuna si faah faahsan uu kaga hadlay dilkii Abu Mansuura Al-Amriki oo ay kooxda Amniyaadka ee Ahmed Godane ku dileen deegaano ka tirsan Degmada Baardheere ,waxaana uu eedeyn culus u soo jeediyey hogaanka sare ee Ururka Al-shabaab.

Abu Yaasir Al-Muqdishi oo ka mid ahaa jiray culumada ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu ku sheegay hogaanka Al-shabaab kuwa dhunsan dad badana luminaya waxaana uu dusha uga tuuray in ay yihiin Baadhiniyah iyo kuwa isticmaala Tuqyada sidda shiicda oo aad u been badan.

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in dumarkii uu qabay Abu Mansuur Al-Amriki ay afduubeen kooxda Aminyaadka Al-shabaab ee ka amarqaata Ahmed Godane iyaga oo ku wargaliyey in ay iska fasaqaan Cumar Xamaami (Abu Mansuur Al-Amriki) maadaama uu diinta islaamka ka baxay oo uu ridoobay waxayna ugu goodiyeen hadii ay xiriir la sameeyaan in ay la kulmi doonaan cawaaqib xun.

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa fariintiisa codka ah waxaa ka muuqda cabasho badan oo uu u soo jeediyey hogaanka Al-Qacida iyo qaar ka mid ah wadaada la safan Amiirka Al-Shabaab Ahmed Godane ama ka aamusan dilalka joogtada ah iyo baacsiga lagu hayo garabka ka tirsanaa Al-Shabaab oo damcay in ay saxaan khalad badan oo ka dhex muuqda Al-Shabaab sida ay sheegteen.

Fariinta codka ah ee Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa waxaa inta badan uu uga hadlayaa taariikhda Abu Mansuur Al-Amriki isaga oo ku tilmaamay Shahiid si dhagar ah ay u dileen kooxaha Amniyaadka ee al-shabaab, Abuu Yaasir Al-Muqdishi ayaa sidoo kale sheegay in hogaanka ururka Al-Shabaab ay rido ku xukumeen Ibraahim Afgani iyo Macalin Burhaan balse ay afkooda ka dhowreen wuxuuna sheegay in ay dhaceen hantidoodii oo dhan ka dib markii ay si dhagar ah ugu dileen Degmada Baraawe iyaga oo aan wax duugmo ah u sameeyen.

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa sidoo kale aad uga cawday warbaahinta Al-Qacida iyo kuwa Al-Shabaab isaga oo ku eedeeyey in ay qariyeen xaalada ka jirta Soomaaliya iyo dilalka lagu hayo garabka ka soo horjeeda  Amiirka Al-Shabaab oo noqday kuwa xabsi ku jira ,kuwa la dilay iyo qaar kale oo rido lagu xukumay lana baacsanayo.

Qeylo dhaanta qaar ka mid ah culumadii Al-Shabaab ayaa waxay markhaati cad u tahay wixii ay in badan ka digeen culumada Soomaaliyeed balse haatan ay mirahooda ay guranayaan kuwii keenay Soomaaliya fikira guracan iyo xadgudbka diineed  ay wadaan ururka Al-Shabaab .

Hoos ka Dhageyso warbixintii Abu Yaasir Al-Muqdisho uu uga hadlay dilkii Abu Mansuur Al-amriiki iyo xaqiiqda Madaxda ururka Al-shabaab

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Abu_yaasir1.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online