Afhayeenkii Xisbul Islaam oo la xiray iyo khilaaf soo kala dhex galay madaxdoodii (Dhageyso)
September 18, 2013 - Written by EditorWaxaa maanta shirjaraa,id ku qabtay Muqdisho Gudoomiyaha golaha Shuurada ee Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Xaji Cadoow waxaana uu ka hadlay shir jaraa,id uu shalay ku qabatay Muqdisho afhayeenkii hore ee Xisbul Islaam Maxamed Macalin. Sheekh Ismaaciil Xaji Cadoow oo ahaa Gudoomiyihii hore ee golaha Shuurada ee Xisbul Islaam ayaa sheegay in wax shir ah oo uu leeyahay xisbul Islam uusan ka warqabin oo ka furmay magaalada Muqdisho waxaana uu ku eedeeyey Maxamed Macalin in uusan marin wada sax ah lana tashan hogaanka sare ee Xisbul Islaam.
Sheekh Ismaaciil ayaa si cad u sheegay in Sheekh Maxamed Macalin uusan matalin danaha xisbiga,kadib markii uu sida uu sheegay ku fashilmay arimaha xisbiga uuna galay kulamo aysan ka warqabin madaxada Xisbul Islaam.Gudoomiyaha golaha Shuurada ee Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Xaji Cadoow ayaa waxaa uu ka hadlay xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuuna sheegay in uu ka xun yahay xariga sheekh Xasan iyo sida ay DFS ula dhaqantay.
Gudoomiyaha golaha Shuurada ee Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Xaji Cadow ayaa sheegay in sii deynta Sheekh Xasan Daahir Aweys ay mari doonaan dhariiq kasta isaga oo ku eedeeyey DFS in ay ka baqeyso dowrka siyaasadeed ee Sheekh Xasan Daahir ku leeyahay bulshada .Dhanka kale Gudoomiyaha golaha Shuurada ee Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Xaji Cadoow ayaa sidoo kale xusay in ay wili dhareeqa jihaadka ay rumeysan yihiin balse wuxuu ka cawaday in dulmi iyo Inxiraaf lagu hayo Xisbul Islaam taas oo ka imaaneysa DFS iyo Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa,id uu qabtay Sheekh Ismaaciil Xaji Cadoow gudoomiyihii hore ee golaha Shuurada Xisbul islaam.
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Cadow.mp3] ama Halkan
Hoos ka dhageyso Shirkiijaraa,id uu shalay ku qabtay Afhayeenkii hore ee Xisbul Islaam Maxamed Macalin
Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Afhayeenka ururka Xisbul Islaam
[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/kt2fhw4gnd/maxamedmacalin.mp3] ama Halkaan ka dhagayso
C/Casiis Maxamed
Halgan.net