Afhayeenkii Xisbul Islaam oo la xiray iyo khilaaf soo kala dhex galay madaxdoodii (Dhageyso)

September 18, 2013 - Written by Editor

xisbul_islaamWaxaa maanta shirjaraa,id ku qabtay Muqdisho Gudoomiyaha golaha Shuurada ee Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Xaji Cadoow waxaana uu ka hadlay shir jaraa,id uu shalay ku qabatay Muqdisho afhayeenkii hore ee Xisbul Islaam Maxamed Macalin. Sheekh Ismaaciil Xaji Cadoow oo ahaa Gudoomiyihii hore ee  golaha Shuurada ee Xisbul Islaam ayaa sheegay in wax shir ah oo uu leeyahay xisbul Islam uusan ka warqabin oo ka furmay magaalada Muqdisho waxaana uu ku eedeeyey Maxamed Macalin in uusan marin wada sax ah lana tashan hogaanka sare ee Xisbul Islaam.

Sheekh Ismaaciil ayaa si cad u sheegay  in Sheekh Maxamed Macalin uusan matalin danaha xisbiga,kadib markii uu sida uu sheegay ku fashilmay arimaha xisbiga uuna galay kulamo aysan ka warqabin madaxada Xisbul Islaam.Gudoomiyaha golaha Shuurada ee Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Xaji Cadoow ayaa waxaa uu ka hadlay xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuuna sheegay in uu ka xun yahay xariga  sheekh Xasan iyo sida ay DFS ula dhaqantay.

Gudoomiyaha golaha Shuurada ee Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Xaji Cadow ayaa sheegay in sii deynta Sheekh Xasan Daahir Aweys ay mari doonaan dhariiq kasta isaga oo ku eedeeyey DFS in ay ka baqeyso dowrka siyaasadeed ee Sheekh Xasan Daahir ku leeyahay bulshada .Dhanka kale Gudoomiyaha golaha Shuurada ee Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Xaji Cadoow ayaa sidoo kale xusay in ay wili dhareeqa jihaadka ay rumeysan yihiin balse wuxuu ka cawaday in dulmi iyo Inxiraaf lagu hayo Xisbul Islaam taas oo ka imaaneysa DFS iyo Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa,id uu qabtay Sheekh Ismaaciil Xaji Cadoow gudoomiyihii hore ee golaha Shuurada Xisbul islaam.

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Cadow.mp3] ama Halkan

Hoos ka dhageyso Shirkiijaraa,id uu shalay ku qabtay Afhayeenkii hore ee Xisbul Islaam Maxamed Macalin

Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Afhayeenka ururka Xisbul Islaam

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/kt2fhw4gnd/maxamedmacalin.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online