Al-shabaab ma laga maarmi karaa? W/Q Sh Axmed Cabdisamad
September 8, 2013 - Written by EditorDad badan baa dano ku qaba ama ka leh jiritaanka iyo koboca Al-shabaab. Haddii aan dadkaas danohooda siyaabo kale loogu oofin ma oggolaanayaan in Shabaab uu tirtirmo ama taagbeelo. Dhinacyada aan Shabaab ka maarmin waxaa ka mid ah beesha caalamka oo u baahan inuu sii jiro;
1- Si ugu tagrifalaan siyaasadda dalka, ayna ugu cadaadiyaan xaakim kasta oo danohooda ka horyimaada ama ka meermeera.
2- Si ay dalka millatari ahaan iyo amni ahaanba ugu baaqi ahaadaan muddada ugu dheer.
3- Si ay ugu xalaalaystaan khayraadka dalka, maamulada ka jirana ay ugaga saxiixdaan warqadaha ay uga baahanyihiin.
Dhinacyada kale ee aan Shabaab ka maarmin waa Soomaalida oo ka leh danahaan:
1- Siyaasiyiinta xukunka laga qaaday iyo kuwa kale ee xukunka u hanqaltaagaya; si ay jiritaanka Shabaab iyo dhibaatooyinka ay samaynayaan ugu adeegsadaan durista iyo dhaleecaynta xukuumadda iyaga badashay ama xukunka ka hortaagan. Waxaa iyana xusid mudan in xukuumadaha hadda jira laftoodu mustaqbalka u baahandoonaan; si ay u halakeeyaan kuwa kuraastooda ka qaatay!.
2- Hay’adaha amniga; si ay hawlgalo u sameeyaan, dhacdhacna uga soo galo; waayo haddii mushkilad la waayo shaqo la’aan baa dhacaysa!.
3- Dhalinyarada shaqo la’aantu hayso oo shaqo waardiye ah ku helay jiritaanka Shabaab iyo cabsida laga qabo darteed.
4- Qofka dulman ama u haysta inuu dulmanyahay oo cidda dulmisay kaga aarsada magaca iyo awoodda Shabaab.
5- Qabiilka ciilqaba oo kaga aarsada qabiilka ay u ciilqabaan.
6- Rag qoysaska ka masruufta oo Shabaab la’aanti u baqaya biilka qoyska.
7- Rag ku helay qadarin iyo guurka gabdho badan oo awal isu diidi jiray ama loo diidi jirey.
8- Wiilal iyo gadbho badan oo guurkii lagu qaaliyeeyey, shabaabna u raqiisiyeen.
9- Rag badan oo ka helay madaxnimo, amiirnimo iyo in laga cabsado oo ay la tahay in aanay meelkale ka helayn.
Gabagabadii danaha badan ee laga leeyahay jiritaanka iyo koboca Al-Shabaab lagama maarmi karo haddii aan siyaabo kale iyo meelo kale laga helin.
W/Q Sh Axmed Cabdisamad