Al-shabaab ma laga maarmi karaa? W/Q Sh Axmed Cabdisamad

September 8, 2013 - Written by Editor

Sheekh-Axmed-CabdisamadDad badan baa dano ku qaba ama ka leh jiritaanka iyo koboca Al-shabaab. Haddii aan dadkaas danohooda siyaabo kale loogu oofin ma oggolaanayaan in Shabaab uu tirtirmo ama taagbeelo. Dhinacyada aan Shabaab ka maarmin waxaa ka mid ah beesha caalamka oo u baahan inuu sii jiro;

1- Si ugu tagrifalaan siyaasadda dalka, ayna ugu cadaadiyaan xaakim kasta oo danohooda ka horyimaada ama ka meermeera.

2- Si ay dalka millatari ahaan iyo amni ahaanba ugu baaqi ahaadaan muddada ugu dheer.

3- Si ay ugu xalaalaystaan khayraadka dalka, maamulada ka jirana ay ugaga saxiixdaan warqadaha ay uga baahanyihiin.

Dhinacyada kale ee aan Shabaab ka maarmin waa Soomaalida oo ka leh danahaan:

1- Siyaasiyiinta xukunka laga qaaday iyo kuwa kale ee xukunka u hanqaltaagaya; si ay jiritaanka Shabaab iyo dhibaatooyinka ay samaynayaan ugu adeegsadaan durista iyo dhaleecaynta xukuumadda iyaga badashay ama xukunka ka hortaagan. Waxaa iyana xusid mudan in xukuumadaha hadda jira laftoodu mustaqbalka u baahandoonaan; si ay u halakeeyaan kuwa kuraastooda ka qaatay!.

2- Hay’adaha amniga; si ay hawlgalo u sameeyaan, dhacdhacna uga soo galo; waayo haddii mushkilad la waayo shaqo la’aan baa dhacaysa!.

3- Dhalinyarada shaqo la’aantu hayso oo shaqo waardiye ah ku helay jiritaanka Shabaab iyo cabsida laga qabo darteed.

4- Qofka dulman ama u haysta inuu dulmanyahay oo cidda dulmisay kaga aarsada magaca iyo awoodda Shabaab.

5- Qabiilka ciilqaba oo kaga aarsada qabiilka ay u ciilqabaan.

6- Rag qoysaska ka masruufta oo Shabaab la’aanti u baqaya biilka qoyska.

7- Rag ku helay qadarin iyo guurka gabdho badan oo awal isu diidi jiray ama loo diidi jirey.

8- Wiilal iyo gadbho badan oo guurkii lagu qaaliyeeyey, shabaabna u raqiisiyeen.

9- Rag badan oo ka helay madaxnimo, amiirnimo iyo in laga cabsado oo ay la tahay in aanay meelkale ka helayn.

Gabagabadii danaha badan ee laga leeyahay jiritaanka iyo koboca Al-Shabaab lagama maarmi karo haddii aan siyaabo kale iyo meelo kale laga helin.

W/Q  Sh Axmed Cabdisamad

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online