Al-shabaab yaa dhalay? 1aad W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad

September 17, 2013 - Written by Editor

alshabaab10Baraawe:-Kolkii lagu gubtay dabkii Xarakada Al-shabaab ayaa nin walba doonay inuu u abtiriyo oo waliba uu ku nabo ninkii xinif ka dhexaysey ama uu xumaan la jeclaa, taasna waxay keentay inay xarakadu yeelato ina-ayayaal badan iyo abtirisyo kala duwan. Cidda ugu badan ee nimankaas loo saariyo waxay noqotay Jamaacada Al-ictisaam oo la yiri: iyadaa dhashay oo barbaarisay oo waliba hubka u dhiibtay, waxa xuna way isla wateen ee markii culumada laga laayey ayay qaylo bilaabeen!. Haddaba aynu arrimo dhowr ah isweydiino intaynaan u banbixin abtirka Xarakada Al-shabaab iyo isirkeeda.

Tan koowaad Xarakada Al-shabaab oo magac la’aan ah waxay aad usoo shaac baxday xilligii qab qablayaasha iyo maleeshiyaad koodu Muqdisho qasayeen, beelaha qaarkoodna maxkamadaha samaysteen. Kolkii dagaalku qarxayna waxay noqdeen awood muhiim ah oo horseed ka noqotay la dagaalankii isbahaysigii isku magacaabay “argagixiso la dirirka”.

Xilligaas oo bulshada Soomaaliyeed aad ugu baahnayd cid isbahaysigaan iyo maleeshiyaadkooda yac ka tiraahda, xarakada Al-shabaabna khayr laga filanayey nin walba iyo koox kasta waxay baarbaaraysey meel ay qaraabo ka noqdaan xarakada Al-shabaab ama ay iskaga xiriiriyaan, mana jirin xilligaas cid tiraahda Al-shabaab waa Salafiyo iyo waa Ictisaam toona, Ictisaamna laguma amaani jirin inay dhaleen ama soo rabbeeyeen xarakadaan barakaysan!.

Ka dib markii mashruuca xarakadu wadato ka horyimid danihii siyaasadeed ee raggii iyo kooxihii ay xilligaas isku duubnaayeen oo ay isla boodayeen, ayna soo caanbaxday khayrdarada iyo marinhabowga diimeed ee ay wataan ayaa nin walba iska fogeeyey ceebtooda, uuna u diiday inay abtir ahaan meel iska soo galaan, dad badana waxayba bilaabeen inay ku dhajiyaan ama ku kabaan Ictisaamkii awal loo quuri la’aa in waxyar laga siiyo abaalka loo hayo Al-shabaab.

Haddaba aynu qormadaan qaybteeda hore kaga baxno in aysan munaasib ahayn in dad la qaraabaysto oo dadka kale laga xigsado, kolkii hadhow wax xun ka soo dhexbaxaana laga bari noqdo, dad awal loo diidanaana dusha laga saaro ama loo tiiriyo; sidaa darteed dadkii Al-shabaab qaatay oo sheegtay xilligii la filayey in xukun iyo xoolo lagu helayo ha isku qaateen xarakada xume heeda iyo samaheeda. Hadday la xumaatana istaaqfuru Allaah kaliya ha dheheen oo yaanay dhihin wixii wanaag ah annagaa leh, wixii xumaan ahna dadka kale ayaa leh.

W/Q Sh. Axmed Cabdisamad
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online