Al-shabaab yaa dhalay? W/Q Sh Axmed Cabdisamad qaybta 2aad
September 17, 2013 - Written by EditorShaki kuma jiro inay yihiin u bad Soomaaliyeed oo mid walba ka soo jeedo qoys ka mid ah qoysaskeena. In kuwo aan soomali ahayn ku laban yihiina soomaalinima dooda wax ka badali mayso marka laga reebo inay ka barteen faldambiyeedyo aan dalkeena laga aqoon, ka dibna ay ka darnaadeen (laga barayba laga badi).In ay soomaaliyihiin ka dhalan mayso in dambiyada ay galeen loo raacdo qoysaskooda ama qabaa’ilkooda adduun iyo aakhiro midna; waayo naf-na ma xambaarto naf kale dambigeed haddii aysan sabab ku lahayn. Tan kale ma jiro qabiil ama qoys Soomaali yeed oo ilmihiisa u dirsaday shaqadaan ama raalli uga ah ee dhab ahaan ubadkoodii ayaa balaayo ka qafaalatay, waxayna u adeeg satay xasuuqa iyo dhibaataynta ummadda kale ee muhiimka ah waxaa weeye in dadka faraha badan ee ururka Al-shabaab dabka ku shubayso aysan ahayn dadkii fikraddaan keenay ee badankoodu waa dad la soo siray iyo kuwo marxalado kala duwan ugu biiray sababao kala jaad ah, ka dibna is arkay iyaga oo qafaalan miskax ahaan ama jir ahaan ama labadaba oo aan heli karin hab iyo meel ay uga baxaan baxarka ay is galiyeen.
Way koobnaayeen dadka fikradaan xambaarsanaa ee garanayey ujeeddada laga leeyahay iyo waddooyinka loo marayo. Inta la socotayna waxay ahaayeen dad caamo ah oo khayr loogu baaqay, awoodna aan u lahayn inay kala hufaan runta iyo beenta, khalad ka iyo saxda iwm. Wax kasta oo cad baruur buu la ahaa, wax walba oo madowna timir buu la ahaa. Shuruuda dadka lagu qaadanayo ayaa marka horeba waxaa ka mid ah:-
1. Da’yari aan loo baahnayn 25 jir ka weyn
2. Cilmi yari aan la qaadanayn nin waxa loo diray su’aal ka keeni kara.
3. Caqli-gaabni iyo wacyi yari keenaysa in ninkaasi aqbalo sheeko kasta iyo tafsiir walba oo laga siiyo diinta,dhacdooyinka iwm haddii uu doono ha noqdo nin da’weyne.Si kastaba ha ahaatee ururka Al-shabaab marka hore dadka tilmaamo ayay ku xulataa, dabadeed na been (jihaad iyo diin u hiilin) ayay ku soo xero-galisaa, ka dibna run (bir iyo dab) ayay ku dhaqdaa.
Halkaan ka akhri qaybta 1aad
W/Q Sh Axmed Cabdisamad
Halgan.net