Banaanbax ka dhan ah DFS iyo shirka Brussels oo ka socda magaalada Baydhabo

September 16, 2013 - Written by Editor

Baydhabo:-Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo madaxada DFS iyo shirka Brussels ayaa ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay,waxaana banaanbaxa ka soo qeyb galay dadweynaha ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Wadooyinka magaalada Baydhabo ayaa waxaa socod ku soo maray dadweyne dhigaya Banaanbax iyaga oo ku qeylinaya hadalo lid ku ah DFS iyo shirka ka socda Brussels waxaana la hadlay dadweynaha mid ka mid ah malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle Malaaq Shiine waxaana uu sheegay in aysan marna aqbali doonin wax walba oo ka soo baxa shirka haatan ka socda magaalada Brussels.

Banaanbaxa ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo qabanqaabiyey siyaasiyiin iyo waxgarad ku mashquulsan dhisida Maamul gobaleed ay ku magacaabeen Koofur Galbeed Soomaaliya. waana Banaanbixii labaad oo looga soo horjeedo DFS oo isla bishaan gudaheeda ka dhaca magaalada Baydhabo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online