Ciidamada DFS oo howlgalo ka sameeyey magaalada Muqdisho
September 29, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidanka DFS ayaa saaka howlgalo balaaran ka sameeyey magaalada Muqdisho waxaana ay gacanta ku soo dhigeen 8 qof hub iyo walxaha qarxa.
8 ruux oo ay ciidanka DFS ay oo qabteen waxaa ku jira masuuliin ka tirsanaa Degmada Shibis oo laga helay guryahooda hub iyo walxaha qarxa waxaana lagu tuhunsan yahay in ay xiriir dhow la leeyihiin Ururka Al-Shabaab
ciidanka DFS ayaa waxaa uu sidoo kale howlgalo culus ka sameeyey xalay ilaa saaka degmooyinka Hodan, Howl-wadaag iyo Shibis ee gobolka Banaadir waxaana ay qabteen hub fudud iyo hoobiyaal .
Masuuliinta ka tirsan Degmada Shibis ee la qabtay waxaa ka mid ah .
1-Gudoomiyaha tabeelaha 1-aad iyo laanta 1-aad waaxda afaraad Muuse Guure Maxamed
2-Maxamuud Axmed Sheekh Axmed
3-Fiidoow Axmed Guud Cade
Waxaa kaloo jira dad kale oo ay ku jiraan dumar oo lagu qabtay howlgalada ay ciidanka DFS ka sameeyeen degmooyinka Hodan, Howl-wadaag iyo Shibis ee gobolka Banaadir.
A/Cawale
Halgan.net