Ciidamada DFS oo howlgalo ka sameeyey magaalada Muqdisho

September 29, 2013 - Written by Editor

howlgaloMuqdisho:-Ciidanka DFS ayaa saaka howlgalo balaaran ka sameeyey magaalada Muqdisho waxaana ay gacanta ku soo dhigeen 8 qof  hub iyo walxaha qarxa.

8 ruux oo ay ciidanka DFS ay oo qabteen waxaa ku jira masuuliin ka tirsanaa Degmada Shibis oo laga helay guryahooda hub iyo walxaha qarxa waxaana lagu tuhunsan yahay in ay xiriir dhow la leeyihiin Ururka Al-Shabaab

ciidanka DFS ayaa waxaa uu sidoo kale howlgalo culus ka sameeyey xalay ilaa saaka degmooyinka Hodan, Howl-wadaag iyo Shibis ee gobolka Banaadir waxaana ay qabteen hub fudud  iyo hoobiyaal .

Masuuliinta ka tirsan Degmada Shibis ee la qabtay waxaa ka mid ah .

1-Gudoomiyaha tabeelaha 1-aad iyo laanta 1-aad waaxda afaraad  Muuse Guure Maxamed
2-Maxamuud Axmed Sheekh Axmed
3-Fiidoow Axmed Guud Cade

Waxaa kaloo jira dad kale oo ay ku jiraan dumar oo lagu qabtay howlgalada ay ciidanka DFS ka sameeyeen degmooyinka Hodan, Howl-wadaag iyo Shibis ee gobolka Banaadir.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online