Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo qabsaday degmada Mahadaay
September 19, 2013 - Written by EditorJowhar:-Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay gacan ka helaya ciidanka AMISOM ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Mahadaay ee gobolka Sh./Dhexe iyadoo aan wax dagaal ah uusan ka dhici magaalada. Gudoomiyaha degmada Mahadaay, Shariif Abuukar oo la hadlay saxaafada ayaa u sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Mahadaay isagoo sheegay in ciidanka DFS ee la wareegay magaalada uu hogaaminayo Col. Maxamuud Koronto.
Guddoomiyaha degmada Mahadaay, Shariif Abuukar ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay in xaalada degmada Mahadaay ay hadda degan tahay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin duleedka magaalada . Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh ayaa markii uu safar ku tegay magaalada Jowhar waxaa uu sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay bilaabi doonaa dagaal ka dhan ah ururk Al-shabaab.
Degmada Mahadaay ayaa waxaa ku sugnaa ciidanka ururka Al-shabaab waxaan la sheegay in xalay ay ka baxeen magaalada oo ayna hadda ku sugan yihiin meelo aan sidaas uga fogayn magaalada. Ilaa hdda ma jiraan masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo ka hadlay in degmada Mahadaay ay qabsadeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
A/cawaale
Halgan.net