Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo qabsaday degmada Mahadaay

September 19, 2013 - Written by Editor

AMISOMJowhar:-Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay gacan ka helaya ciidanka AMISOM ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Mahadaay ee gobolka Sh./Dhexe iyadoo aan wax dagaal ah uusan ka dhici magaalada. Gudoomiyaha degmada Mahadaay,  Shariif Abuukar oo la hadlay saxaafada ayaa u sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay  la wareegeen gacan ku haynta degmada Mahadaay isagoo sheegay in ciidanka DFS ee la wareegay magaalada uu hogaaminayo Col. Maxamuud Koronto.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay,  Shariif Abuukar ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay in xaalada degmada Mahadaay  ay hadda degan tahay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin duleedka magaalada . Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh ayaa markii uu safar ku tegay magaalada Jowhar waxaa uu sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay bilaabi doonaa dagaal ka dhan ah ururk Al-shabaab.

Degmada Mahadaay ayaa waxaa ku sugnaa ciidanka ururka Al-shabaab waxaan la sheegay in xalay ay ka baxeen magaalada oo ayna hadda ku sugan yihiin  meelo aan sidaas uga fogayn magaalada. Ilaa hdda ma jiraan masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab oo ka hadlay in degmada Mahadaay ay qabsadeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

 A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online