Rasaas iyo qaraxyo wili laga maqlayo gudaha xarunta Westgate Mall

September 24, 2013 - Written by Editor

bbcNairobi:-Waxaa maalintii Afaraad ka socda xarunta ganacsiga ee Westgate iska horimaad u dhexeeya ciidanka Militariga dalka Kenya iyo kooxda Al-Shabaab ee madaxfurashada u heysta dadweyne rayid ah oo aan ilaa haatan la aqaan tiradooda. Ciidanka melatariga ee dowlada Kenya ayaa sheegay in ay dileen 6 ka mid ah kooxdii weerartay xarunta ganacsiga ee Westgate sida ay ku daabaceen barta Twitterka ee ciidanka milatariga ee Kenya.

Sidoo kale Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa sheegtay in ciidanka amaanka ee dalka Kenya ay dabaq-dabaq u baarayaan dhismaha si loo xaqiijiyo in ay jiraan wili dadweyne ku sugan gudaha xarunta ganacsiga ee Westgate Mall.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in saraakiisha sare ee dalka Kenya ay dhawaan qaban doonaan shirjaraa,id oo ay uga warami doonaan xaalada xarunta ganacsiga ee Westgate Mall.

Ciidanka Kenya ayaa sidoo kale xaqiijiyey in 11 askari looga dhawaacay howlgalka ka socda xarunta ganacsiga ee Westgate Mall,waxaana sidoo kale ay sheegeen in gacanta lagu dhigay 10 qof oo looga shakisan yahay in ay qeyb ka ahaayeen weerarka lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall kuwaas oo la qabtay iyaga oo ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee Kenya.

Weerarka lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ayaa waxaa ilaa haatan ku dhinta 69 qof halka a175 kale ay ku dhaawacmeen.Ilaa haatan ma jiraan ilo ka madax banaan ciidanka Kenya oo xaqiijin kara guusha ay sheegteen ciidanka melatariga Kenya kuwaas oo taageero ka helaya wadamada reer galbeedka.

Dhanka kale wakaaladaha wararka ee Caalamka ayaa goordhow xaqiijiyey in wili iska horimaad iyo rasaas goosgoos ah laga maqlayo gudaha xarunta ganacsiga ee Westgate Mall waxaana wili gubanaya qeybo ka mid ah dhismaha Westgate Mall.

Koox saxafiyiin ah ayaa ku sii qulqulaya agagaarka dhismaha xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ka dib markii ay wasaarada ariamaha gudaha ay ku daabacday barta ay ku leedahay Twitterka in ciidanka Kenya ay si buuxda ula wareegeen dhismaha Westgate Mall .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online