Dagaal xalay ka dhacay duleedka degmada Qansax-dheere e gobolka Baay
September 1, 2013 - Written by EditorBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu ka dhacay duleedka degmada Qansax-dheere e gobolka Baay waxaana dagaalka uu qarxay markii ciidanka DFS iyo kuwa Itoobiya ay duulaan ku qaadeen deegaanka Koranbood.
Dagaalka ayaa waxaa uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac oo gaaray labada dhinac waxaana dagaalka guul ka sheegtay saraakiil u kala hadashay ciidanka DFS iyo Al-Shabaab.
Afhayeenka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaal xalay ka dhacay duleedka degmada Qansax-dheere e gobolka Baay iyo deegaanka Yaaqbari-weyne,Dagaalka ka dhacay duleedka degmada Qansax-dheere ayaa waxaa ku dhintay 7 qof halka in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen.
Xaaladda deegaanka Koranbood ayaa degan waxaana ay ciidanka DFS iyo kuwa Itoobiya dib ugu laabteen degmada Qansax-dheere e gobolka Baay ;waxaa sidoo kale uu dagaal u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Yaaqbari-weyne ee Gobolka Shabellaha Hoose ka dib markii wadada loo galay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM.
A/Cawale
Halgan.net