Dagaal xalay ka dhacay duleedka degmada Qansax-dheere e gobolka Baay

September 1, 2013 - Written by Editor

Baydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu ka dhacay duleedka degmada Qansax-dheere e gobolka Baay waxaana dagaalka uu qarxay markii ciidanka DFS iyo kuwa Itoobiya ay duulaan ku qaadeen deegaanka Koranbood.

Dagaalka ayaa waxaa uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac oo gaaray labada dhinac waxaana dagaalka guul ka sheegtay saraakiil u kala hadashay ciidanka DFS iyo Al-Shabaab.

Afhayeenka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaal xalay ka dhacay duleedka degmada Qansax-dheere e gobolka Baay iyo deegaanka Yaaqbari-weyne,Dagaalka ka dhacay duleedka degmada Qansax-dheere ayaa waxaa ku dhintay 7 qof halka in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda deegaanka Koranbood ayaa degan waxaana ay ciidanka DFS iyo kuwa Itoobiya dib ugu laabteen degmada Qansax-dheere e gobolka Baay ;waxaa sidoo kale uu dagaal u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Yaaqbari-weyne ee Gobolka Shabellaha Hoose ka dib markii wadada loo galay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online