Dawladda Soomaaliyeed daacad ma ka tahay la dagaalanka Al-shabaab W/Q Sh.Ali Husein

September 10, 2013 - Written by Editor

Maqaal-300x158Muqdisho:-Cidna kama qarsoona gumaadka ba,an ee kooxdaani ku hayso umada soomaaliyeed ,shakina kuma jiro in koox daani  wakiil ka tahay cadawga umada , ayna fuliso ajandayaal dalka iyo dadka iyo diin taba lagu baabi,inayo , haddaba saw ma mudnayn cid kasta oo umadaan hogaanka u qabataa inay mudnaanteeda koowaad siiso la dagaalanka kooxdaan iyo ciribtirkeeda.

Inkastoo dawladaani mudo sanad ah jirtay haddana way muuqataa inay ku fashilantay inay xaqiijiso waxyaalihii dadka ay u yaboohday oo amnigu ugu horeeyey, meel kale iska daa waxaa qiilqiil ku jira caasimadii xarunta u ahayd dawlada ,waxaa jaah wareer balaaran ka jiraa maamulkii hay,addaha amniga sidda booliska, nabadsugida , asluubta IWM, oo usbuucyo gudohood intaas oo madax ah midna la casilayo midna la magacaabayo.

Waxaa xiran wadooyinkii magaalada ugu muhiimsanaa waxaana muuqata in qorshe cad oo amni oo dawladu leedahay uusan jirin . maamulkii kan ka horeeyey waxaa maalin walba dadka u muuqanayey horumar la taaban karo ayagoo waliba meel hoose wax ka bilaabay laakiin qoladaan shaqadoodu waxay noqotay inay madaxdii horumarkaas xaqiiji say wada badalaan kuna wareejiyaan boosaskoodii dad aan wax macno ah soo kordhin.

Makala garan karo in sidaani daacad ka tahay dawlada iyo in wax kale jiraan laakiin shayga iska cad waxaa weeye in guruubkaan ay aad ugu yar tahay khibrada dawladnimo , wax maamuladii hore ilaa xukuumadii dhexe xafiis dawlo ka shaqeeyey ay faro ku tiris yihiin xataa gudoomiye xaafadeedna ha noqotee.

Haddaba maqaalkaan waxaa igu kiciyey inaan wax ka iftiimiyo maamul xumada iyo fawdada ka jirta xabsiyada dawlada oo xataa dadkii khatarta ahaa oo umada halaagay oo maamulkii ka horeeyey qabqabteen hadda ay xabsiyada ka fakanayaan inta xoogaa laaluusha laga qaato.

C/raxmaan Cali Abukar  waa dhalinyarada amniyaadka shabaabka ugu khatarsan umada soomaaliyeedna meelo badan kusoo xasuuqay waa raga fulin jiray dilalka qorshaysan iyo waliba qaraxyada . meelo badan oo dalka gudihiisa iyo wadamada dariska ahba ka soo shaqeeyey, laakiin waxaa gacanta lagu dhigay horaantii 2012kii mar uu diyaarinayey inuu qarax ku khaarijiyo abaan duulihii ciidamada qalabka sida ee soomaaliyeed xiligaas C/kariim Dhago badan, dhamaan umada soomaaliyeedna waxay ka daawadeen talafishinada asagoo wata jaakadii lagu qarxin lahaa jeneraalka waxaana sabab u ahaa oo fashiliyey darawalkii Dhagobadan oo ay u balan qaadeen labaatan kun oo doolar haduu arintaa kala shaqeeyo waana la wada ogaa.

Dhalinyaradaas ay umada ku halaagaan markay shaqoooyinkaan u dirayaan waxay ku yiraahdaan: horta marka koowaad cidna ku qaban mayso intaasoo kun baan dilay waana badbaadeen dadkii fuliyey dilalkaas tan labaad hadayba dhacdo in lagu qabto waan kaasoo daynaynaa , mooryaanta ayaan laaluush siinaynaa, saasayna ku hawl galiyaan ee haday og yihiin dhalintaani inaysan badbaadayn hadii la qabto hawshu sidaan way ka badalnaan lahayd qaybo badana masoo dhiiradeen maxaa yeelay nina dhiigiisa ma tilaabo.

Isla markii C/raxmaan uu gacanta dawlada galayba Alshabaab waxay lasoo xariireen hooyadiis waxayna u dhiibeen 10.000$ si ay ugu abaabusho odayaasha beeshiisa , waxayna socdeen odayaashaas shidaalka fiican lagu shubay ilaa xafiiskii madaxwaynaha xiligaas Sheekh Shariif laakiin waxaa albaab la mari waayey ku noqday Dhagobadan oo qadiyadiisa gooni ula socday.

C/raxmaan oo ahaa xubin aad looga jecel yahay kooxdaan dhexdeeda ayaysan kooxdu marna  joojin muxaawalooyinkii ay ku doonaysay inay la baxdo ilaa ay ku guulaysteen maalinkii daraad ahaa markay qanciyeen dhamaan madaxdii iyo waardiyayaashii xabsiga dhexe oo ah meel jaahwareer badan ka jiro una muuqata meel mooryaani ka taliso.

Su’aalaha wareerka ah oo aan cidna fahmi Karin waxaa kamida C/raxmaan isla ayaantiiba waxaa lagu xukumay dil aan is lee yahay wuu mutaystay maxaa yeelaay boqolaal ayuu soo dilay , dil buuna faraha kula jiray markii la qabtay maxaa loo fulin waayey qisaastiisa oo ilaa intaa loo haystay, aniga waxay ila tahay xubnaha khatartaah oo kooxdaan laga qabtaa waxaa loo haystaa qaab ka ganacsi ah oo aad looga yaq yaqsado.

C/raxmaan wuxuu tusaale u yahay boqolaalka xaaladood ee ka dhacda xabsiyada dawlada iyo maxkamadaha dawlada.waxaa jiray qolo kamid ah maxaabiista alshabaab oo habeen ayagoo la laayey laga helay xaafadaha Muqdisho dhexdooda ,wararka ayaantiiba soo baxay waxay ahaayeen in la rabay in la kala gato markii iibkii la isku fahmi waayeyna la laayey si kuwa kale badeecadoodu kor ugu kacdo.

Intaas waxaan maqalaa maxkamada ciidamadu waxaa qisaastay askari dil u gaystay askari kale maxaa yeelay askarigaasi ma haysto urur la mida kooxdaan haysata malaayiinka doolar oo ay  ku maal galiso burburinta umada oo iibsanaysa.

Ugu danbayn hadaysan  dawladu wax ka badalin arinkaan la lugoynayo umada waxay qayb ka noqonaysaa dhibaataynta shacabka soomaaliyeed taariikhduna way qori doon taa cidii umadaan lugaysa iyo cidii wax u qabatayba.

Sheekh Ali Husein
Shiikhali622@yahoo.com

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online