DFS oo guddi u magacawday Qaban-qaabada Shirka dib-u-heshiisiinta Jubba

September 25, 2013 - Written by Editor

Cabdirisaaq Maxamed CumarMuqdisho:-Iyadoo laga amba-qaadayo Heshiiskii 27-kii August 2013 ku dhex maray magaalada Addis Ababa Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba, oo ahaa tallaabo horumar leh oo loo qaaday dhinaca Federaaleynta, Xasilinta Dalka iyo kalsooni-dhisidda dadka Soomaaliyeed.Si loo fuliyo, loogana gun-gaaro dhamaan qodobbadii ku xusnaa heshiiskaas; Iyadoo la cusksanayo Qodobka Afraad ee Heshiiska ee khuseeya Dib-u-Heshiisiinta iyo Kalsooni-dhisidda.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ahna Wasiirka Khayraadka Dalka, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar wuxuu magacaabay guddi heer sare ah oo qaban-qaabin doona wejiga koobaad ee Shirka Dib-u-heshiisiinta oo lagu qaban doono Muqdisho 5-ta bisha Oktoobar 2013, iyadoo qeybta labaad ee nabad-dhisidda ahna  lagu qaban doono magaalada Kismaayo.

Magacyada Xubnaha Guddiga:-

1.    Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo  Amniga Qaranka/Guddoomiyaha Guddiga
2.    Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka
3.    Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi Wasiirka Gaashaandhigga
4.    Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada
5.    Mudane Cabdishakuur Cali Mire Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta,  Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka
6.    Mudane Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga
7.    Mudane Axmad Cabdisalaam Xaaji Aaden Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya dalka Itoobiya
8.    Mudane Aaden Ibraahim Aw Xirsi La-taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Dhinaca Siyaasadda/Xoghaynta Guddiga.

Waxaa ay xukuumada Federaalka ee Soomaaliya u mahad-celineysaa dhamaan dhinacyadii ka qeyb-qaatay fududeynta heshiiskii Addis Ababa ee 27, August 2013, gaar ahaan Guddoonka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee IGAD. Sidoo kale, Xukuumada Soomaaliya waxay dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaaqay saa in ay af iyo addinba ku taageeraan dhaqan-galka heshiiskan taariikhiga ah, xubnaha guddigana waxaa la farayaa in ay si hawlkarnimo leh uga soo dhalaalaan hawshan muhiimadda weyn qaranka u leh ee fulinteeda loo igmaday.

Mahadsanidiin,
Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya
Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar
Muqdisho – Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online