Dowlada Denmark oo ka qeylisay Dhalinyarada Jihaadka u aaday dalka Syria

September 28, 2013 - Written by Editor

Abu-Khattab-2Denmark:-Waxaa isaga soo taraya qeylo dhaanta madaxada dalka Denmark ka dib markii ay dhalin yaro badan oo isigu jita Denish iyo kuwa ku dhashay waxna ku bartay dalka Denmark ay ku biireen kooxaha qeybta ka ah dagaalka lagula jiro xukuumada Bashaar Asad. Laanta Socdaalka ee dalka Denmarka ayaa xaqiijisay in 100 dhalinyaro ah ay gaareen dalka Syria waxaana ay ciidanka sirdoonka ee loo yaqaan PET ay xaqiijiyeen in 5 ka mid ah ay ku dhinteen dagaalada ka socda Syria .

Siyaasiyiinta xisbiga xagjirka ah ee DF ayaa dowlada ku canaantay in ay waxba ka qaban dhalinyarada gaaray dalka Syria waxayna dowlada ugu baaqeen in la adkeeyo qaadashada baasaboorka dalka Danmark il gaar ahana lagu eego dhalinyarada Muslinka ah ee ku dhaqan dalka Denmark.

Waxaa sidoo kale shook ku riday madaxada dalka iyo Siyaasiyiinta dalka Denmark markii lagu faafiyey barta internetka filmaan kala duwan oo loogu dhaaranayo madaxada iyo siyaasiyiinta dalka Denmark in la dili doono.

abuDhalinyarada gaaray dalka Syria ayaa waxaa hogaaminayey Shiraz Tariq (Abu Musa ) oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Pakistaan waxaana wargeysyada ka soo baxa dalka Denmark ay isbuucii la soo dhaafay ay sheegeen in uu ku dhintay dagaalo ka dhacay dalka Syria.

Dib ayaan idinka soo gudbin donaa warbixinta oo faahfaahsan inshalaah

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online