Golaha Wasiirada DFS oo ansixiyay magacaabista labo safiir, soona dhoweeyey natiijada shirka Brussels

September 19, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin natiijadii ka soo baxday shirkii Brussels, soo jeedin la xariirta magacaabista labo safiir, iyo weliba xaaladdaha guud ee dalka.

Shirka ayaa ugu horeyntii waxay golaha Wasiiradu dhegeysteen warbixin la xariirta amniga, taasoo lagu sheegay in ciidamada amnigu ay wadeen todobaadkan howlgalo ay ku beegsanayaan kooxo nabadiid ah kuwaasoo maleegayay qorshayaal ka dhan ah amniga, waxayna xuseen in howlgaladan mid ka mid ah lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al shabaab, oo uu ku jiro nin gacanyare u ahaa Abuu-mansuur Al Amriki oo ahaa nin heysta dhalashada Mareykanka, lana rumeysan yahay in dagaal dhex maray labo kooxood oo ka wada tirsan Al shabaab uu ku dhintay.

Gabagabadii kulanka golaha, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiwali, isaga oo xusay in goluhu ay shirkoodan kaga doodeen natiijada shirka Brussels ayna soo dhoweeyeen, kuna tilmaameen in balanqaadyada lacageed ee laga sameeyey shirkaasi ay qeyb ka qaadan doonto horumarinta adeegyada bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha.

Sidoo kale, afhayeenku waxa uu sheegay in golaha Wasiiradu ay ka doodeen soo jeedin ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda kuna saabsan magacaabista Safiirada Imaaraadka Carabta iyo Dalka Ciraaq, waxaana labadan dal loo kala magacaabay Gen. Maxamed Sheekh Xasan oo loo magacaabay Imaaraadka Carabta iyo Maxamed Shariif Abuu, oo loo magacaabay Safiirka Dalka Ciraaq u fadhiyi doono dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Afhayeenka ayaa sheegay in golaha Wasiiradu ay soo dhoweeyeen horumarka ciidanka xooga dalka ay ka sameeyeen Degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe, waxayna ammaan u jeediyeen ciidanka xoogga, iyaga oo xusay in talaabadan ay horseedeyso in gargaar la gaarsiiyo ayna ka howlgalaan hay’addaha samafalka.

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online