Golaha Wasiirada oo kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda gobolada Banaadir iyo Sh/ Dhexe

September 28, 2013 - Written by Editor

golaha_wasiiradaMuqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah, waxaana shir guddoominayay kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Kheyraadka Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana kulankan lagu casuumay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho kaasoo sharaxaad ka bixinayay xaaladda amniga gobolka, qorshaha deriseynta, kaalinta gobolka ee amniga caasimadda iyo weliba mashaariicda horumarineed ee gobolku ku howlan yahay.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay xaaladda nololeed ee qoysaskii ku barakacay fataahadii dhowaan uu sameeyey wabiga Shabelle nawaaxiga magaalada Jowhar, kaasoo baabi’iyay dhul beereed baaxad leh, isla markaana jaray isu socodkii wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo gobolka Sh/dhexe. Waxayna goluhu ugu yabooheen gargaar dhaqaale.

Golaha Wasiirada ayaa taageeray qorsheyaasha gobolka ee horumarinta iyo sugida amniga gobolka, waxaana lagu ammaanay kaalinta bilic soo celinta iyo iftiiminta magaalada. Waxayna ugu baaqeen golaha Wasiiradu inay sii dardargeliyaan wada shaqeynta maamulka gobolka Banaadir uu la leeyahay hay’addaha amniga, si loo wiiqo qatarta argagixisada.

Golaha Wasiiradu waxay kulankooda diirada ku saareen xaaladda fatahaada wabiga shabelle ee gobolka Sh/dhexe, waxayna ugu deeqeen lacag dhan Konton kun oo Dollarka mareykanka ah ($50.000), waxayna dhanka kale baaq u jeediyeen hay’addaha gargaar iyaga oo ugu  baaqay inay la gaaraab shacabkaasi tabaaleysan caawimaad dhan kastaba leh.

Garad Salad Hersi.
Press officer
PM office.

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online