Kal-fadhigii 24-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo ka furmay Geneve

September 25, 2013 - Written by Editor

1Geneve:-Kal-fadhigii 24-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo maanta ka dhacay magaalada Geneve – Switzerland ee sida gaarka ah diiradda loogu saaray Xuquuqda Aaadanaha Soomaaliya ayaa lagu ammaanay dadaalka xukuumadda Soomaaliya ugu jirto taaba-galinta dhowrista iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyadoo 22-kii sano ee lasoo dhaafay ay dalka ka dhacayeen xad-gudubyo liddi ku ah Aadanaha.

Kulanka oo uu ka qayb-galay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaa sido kale goobtaasi ku sugnaa Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdulaahi Abyan Nuur, Wasiirka Adeega Bulshada Drs. Maryan Qaasim , Safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiiska Q.M ee Geneve, Danjire Yuusuf Bari-bari iyo Mas’uuliyiin kale.

Dhanka kale waxaa kulankan kasoo qayb-galay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholes Key, ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax Al-Nadiif, khabiirka madaxa-bannaan ee arrimaha xaquuqul Insaanka Soomaaliya, Dr. Shamsul Bari, xubno ka socday bulshada rayidka, wariyayaal iyo qaar kamid ah hay’adaha xuquuqul insaanka qaarkood.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen xub-naha wakiillada ka ah dowladaha ku jira golahan ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay maalinta Xuquuqda Aaadanaha Soomaaliya ee 27-ka August oo Ra’isul wasaaruhu uu ku dhawaaqay kaddib kulankii lagu soo bandhigayay khariidadda Xuquuda Aadanaha iyo hirgalinta oo Muqdisho lagu qabtay.

Waxaa sidoo kale goluhu ay soo dhoweeyeen warbixinta uu gollaha usoo gudbiyay khabiirka madaxa-bannaan ee arrimaha xaquuqul Insaanka Soomaaliya, Dr. Shamsul Bari, taas oo lagu amaanay talaabooyinka ay Xukuumaddu u qaaday dhanka ilaalinta Xuquuq-da Aaadanaha muddada sanadka ah.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid “oo khud-bad dheer ka-hor jeediyay Golaha Xuquuqul Insaanka ayaa faah-faahin ka bixiyay sida ay Xukuumaddiisu uga go’antahay hir-galinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, dib usoo celinta amniga iyo cadaaladda

Ra’isul Wasaare Saacid ayaa ugu horayn waxaa uu golaha usoo gudbiyay sida uu uga xunyahay weerarkii ay kooxaha argagixisadu ku qaadeen dhismaha Westgate Mall ee magaaladda Nairobi isla markaana uu xiriir la sameeyay madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta. Waxaa uu sheegay Ra’isul Wasaaruhu in argagixisadu aysan lahayn xuduud, si wadajir ahna la isaga kaashan doono ka sidii looga guulaysan lahaa.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay u istaagi doonto hirgalinta dhammaan dadaalada lagu hormarinayo dhowrista xuquuq-da aadanaha sida soo celinta shuruuc iyo kala-danbayn, tayaynta hay’adaha dawladda, dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta adeegyadda bulshada oo waxbarashada iyo caafimaadku ay kamid yihiin iyo abuurista shaqooyin.

Waxaa kaloo uu Ra’isul Wasaaruhu sheegay in markii ugu horaysay ay xukuumaddu ku guulaysatay in si cadaalad ah ay Soomaalidu u qayb-sadaan hanaanka siyaasadeed ee dalka iyo in haweenku ay ka dhex-muuqdaan golaha wasiirada.

Golluhu waxaa sido kale ay aad usoo dhoweeyeen markii uu Ra’isul Wasaarahu ku sheegay khud-badiisa in ay u istaagi doonaan la dagaalanka kufsiga iyo xad-gudubyadda lagula kaco dumar, ka hortagga dilalka loo gaysto wariyayaasha, ilaalinta xuquuqda barakacayaasha iyo dib u dejintooda iyo ka hortagga askaraynta caruurta.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhanka kale waxaa casho sharaf u sameeyay Safiirka USA ee Geneve markii kulanku uu dhamaaday, sido kale waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay hay’ada MSF, Safiirka UK, dawladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee daneeya arimaha Soomaaliya isagoo kala hadlay dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumada
Ridwaan Xaaji Cabdiwali

Geneve, switzerland

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online