Kooxda Ahlusuna ee gobalada dhexe oo xilka ka qaaday Sheekh Cabdi Cali Fiidoow
September 1, 2013 - Written by EditorDhuusomareeb:-Kulan ay isigu yimaadeen golaha fulinta ee Ururka la baxay Ahlu Suna ee gobalada dhexe ayaa maanta ka dhacay Degmada Dhuusomareeb ee Gobalka Galgaduud waxaana xilka laga qaaday Sheekh Cabdi Cali Fiidoow oo ahaa Guddoomiyaha Ururka Ahlusuna ee gobalada Dhexe .
Kulan ay isigu yimaadeen golaha shuurada ee Ururka Ahlusuna ayaa waxaa 29 xubnood isku raaceen in xilka laga qaado Guddoomiyaha Golaha fulinta ee Ururka Ahlusuna Sheekh Cabdi Cali Fiidoow.
Sheekh Cabdi Cali Fiidoow ayaa xilka talada loo dhiibay markii uu geeriyooday Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow alaha u naxariistee oo in mudo ah soo hayey xilka kooxda Ahlu Suna.
Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir Guddoomiyaha Guddiga talada ee Ururka Ahlusuna ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba xilkii laga qaaday Sheekh Cabdi Cali Fiidoow.
Dhanka kale Sheekh Cabdi Cali Fiidoow oo ah ruuxa xilka laga qaaday ayaa isla maanta Shirjaraa’id uu ku qabtay Magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud waxaana uu diiday in xilka laga qaaday isaga oo sheegay in uu sii heyn doono xilka mudo labo sano ah.
A/Cawale
Halgan.net