Kooxda Ahlusuna ee gobalada dhexe oo xilka ka qaaday Sheekh Cabdi Cali Fiidoow

September 1, 2013 - Written by Editor

Dhuusomareeb:-Kulan ay isigu yimaadeen golaha fulinta ee Ururka la baxay Ahlu Suna ee gobalada dhexe ayaa maanta ka dhacay Degmada Dhuusomareeb ee Gobalka Galgaduud waxaana xilka laga qaaday Sheekh Cabdi Cali Fiidoow oo ahaa Guddoomiyaha Ururka Ahlusuna ee gobalada Dhexe .

Kulan ay isigu yimaadeen golaha shuurada ee Ururka Ahlusuna ayaa waxaa 29 xubnood isku raaceen in xilka laga qaado Guddoomiyaha Golaha fulinta ee Ururka Ahlusuna Sheekh Cabdi Cali Fiidoow.

Sheekh Cabdi Cali Fiidoow ayaa xilka talada loo dhiibay markii uu geeriyooday Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow alaha u naxariistee oo in mudo ah soo hayey xilka kooxda Ahlu Suna.

Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir Guddoomiyaha Guddiga talada ee Ururka Ahlusuna ayaa ku dhawaaqay in gabi ahaanba xilkii laga qaaday Sheekh Cabdi Cali Fiidoow.

Dhanka kale Sheekh Cabdi Cali Fiidoow oo ah ruuxa xilka laga qaaday ayaa isla maanta Shirjaraa’id uu ku qabtay Magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud waxaana uu diiday in xilka laga qaaday isaga oo sheegay in uu sii heyn doono xilka mudo labo sano ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online