Maamulka Jaamacada Bariga Africa oo socdaaal shaqo kusoo maray wadamada Scandinavianka.

September 20, 2013 - Written by Editor

IMG_1424Swedan:-Si kor loogu qaado xiriirka ay Jaamacadda Briga Africa la leedahay dunada inteeda kale ayaa waxaa socdaal shaqo ku soo maray wadamada ay ka mid yihiin Sweden iyo  Finland wafdi ka socda Jaamacadda Bariga Afrika oo ka kooban Guddoomiyaha Dr. Cabdirisaaq Hirad Maxamed iyo Guddoomiye ku xigeenka Dayib Cali Maxamed iyo Qoraa sare isla markaana ah macallimiinta Jaamacadda Dr.Saciid Cali Shire.

Ujeedada socdaalka wafdiga waxay ahayd iney dadweynaha soomaaliyeed ee qurba joogta ah uga warbixiyaan horumarka dhinaca waxbarasho ee wadanka ka jira gaar ahaan mandiqadda Puntland, waxay warbixin waafi ah ka siiyeen jaaliyadaha horumarka laga gaaray dhinaca waxbrashada sare, wuxuu wafdigu si balaaran uga warbixiyay dowrka ay Jaamacadda Bariga Afrika  ku leedahay horumarka waxbarashada Soomaaliya gaar ahaan Puntland, sidoo kale dowrka ay ardayda ka soo baxday jaamaacadda mudadii ay jiray oo gaareysa 14 sano ku leeyihiin horumarka bulshada iyo iney yihiin maanta  howl wadeenada laf dhabarka u ah qeybaha kala duwan ee bulshada.

no images were found

 Socdaalkii Sweden (16kii  ilaa 21kii August)

Maalintii jimcaha ee ay taariikhdu ahayd 16kii August wuxuu wafdigu kala qeyb galay jaaliyadda Puntland ee Stockholm kulan balaaran oo ay lahaayeen wuxuuna uga waramay ujeedada socdaalkiisa iyagoo ugu horeyntii uga mahad celiyay fursadan ka qeybgalka kulanka  ee ay jaaliyaddu siisay wafiga, warbixintii wafdiga ka dib waxaa ka hadlay madasha kulanka  Dr. Khalif Bile oo ah khabiir  dhinaca caafimaadka ahaan a hormuudkii kulliyadda caafimaadka Jamaacaddii Ummadda Soomaliyeed sidoo kalena ahaan wakiilka WHO ee wadamada Pakistaan iyo Iran, isagoo dhinaciisa  ku dheeraaday horumarka ay Jaamacaddu ka gaartay dhinaca waxbarashada dadweynihii ka soo qeyb galayna ku booriyay iney gacan ka geystaa wax tarka jaamacaddaasi aqoon iyo dhaqaaleba.

Wafdigu wuxuu kale oo ka qeyb galay 19kii August kulan ay hayadda horumarinta Caalamiga ee Sweden( SIDA) oo ah hayad u qaabilsan wadanka Sweden mucaawanaha dibadda ku warbixineysay howlaheeda ku aadan Soomaaliya,  warbixintaasi ka dib wafdigu wuxuu kulan gaar ah la yeeshay  madaxa iskaashiga horumarinta Sweden Mr Urban Sjostrom kaasoo uga waramay wafdiga waxyaabaha ay hayaddu ka caawini karto Jaamacadda dhinaca kalena  wafdigu wuxuu ka hadalay horumarka ay jaamacaddu gaartay inta ay jirtay taasoo uu la taliyuhu u riyaaqay kuna bogaadiyay horumarkaasi , wafdiga iyo madaxa hayaddu waxay is dhaafsadeen talooyin badan oo wax ku ool u ah jaamacadda , ugu danbeyntii madaxa hayadda wuxuu muujiyay inuu diyaar u yahay wada shaqeyn  iyo iskaashi.

Maalintii 20ka August  wafdigu waxay wada hadleen Prof. Bjorne oo  bare sare ka ha Jaamacadda KTH oo ah jaamacadda ugu sareysa wadanka Sweden dhinaca IT ga waxayna ka wada hadleen sidii ay jaamcaddaasi uga caawini lahayd Jaamacadda Bariga Afrika dhinaca Teknooloojiyadda IT ga, aad buuna u soo dhaweeyay iskaashiga  dhinacaasi ah waxayna ku balameen  in  wadahadalada halkaasi laga sii wado.

Maalintii 21ka August wuxuu wafdigu la kulmay Mrs Maria oo ah madaxa qeybta tababarada umulisooyinka iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka ee Jaamacadda Dalarna ee Sweden, wafdiga iyo madaxa qeybta waxay ka wada hadleen sidii ay jaamacadda Dalarne  uga caawini lahayd Jaamacadda Bariga Afrika tababarka  macallimiinta machadka caafimaadka , sidoo kalena in ardayda ka soo baxdaa machadkaasi ay online ahaan u siiyaan waxbarashada heerka labaad (Master Degree).

Socdaalkii uu wafdigu ku marayay wadan Sweden oo qaatay mudo dhowr maalmood ah wuxuu ku soo gabagaboobay guul  iyo is afgarad.

Socdaalkii Finland (22kii ilaa 26kii August)

 Wafdigu wuxuu galinkii danbe ee maalinta 21ka August u gudbay wadanka Finland, waxaa aad u soo dhaweeyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland , Maalintii 22ka August wuxuu wafdigu la kulamay xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Finland ahaana musharaxii u tartamayay xilka madaxweyne nimada ee Finland, kaasoo u qaabilsan arimaha Somalia, waxayna ka wada hadleen guud ahaan mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Finland ka wado soomaaliya iyo kuwa ay dooneyso iney ka fuliso, sidoo kale qeybta ay Jaamacadda Bariga Afrika ka qaadan karto, waxay aad uga wada hadleen arimaha deegaanka oo ay dowladda Finland daneyneyso isaga oo soo jeediyay iney Jaamacaddu ka soo diyaarin karto mashaariic wax lagaga qaban karo una soo gudbin karto Finland.

Maalintii 23ka August wuxuu wafdigu la kulmay hayadda IOM , gaar ahaan mamulayaasha Mashruuca FINSOM –MIDA oo ku howlan iney Somalia u shaqaaleysiiso kaadirka aqoonta leh ee qurba joogta ah si ay qeyb uga qaataan horumarinta iyo sare u qaadidda tayada xirfadeed ee howlwadeenada soomaaliyeed.  waxayna ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee ay jaamacadda uga faa’iideysan karto mashruucaasi lagu howlgalinaya qurba joogta.

Maalintii 24ka August wuxuu wafdigu la kulamay aqoonyahanka soomaaliyeed ee magaalada Helsinki, kulankaasina wuxuu wafdigu ka warbixiyay jaamacadda Bariga Afrika iyo kaalinta ay kaga jirto horumarinta bulshada iyo sare u qaadidda aqoonta dhalinyarada.

Maalintii 25ka August wafdigu wuxuu kulan balaaran la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland iyadoo laga kala yimid magaalada Helsinki iyo magaalooyinka ku dhadhaw, kulankaasi wuxuu wafdigu warbixin dheer ka bixiyay xaaladda waxbarasho ee wadanka gaar ahaan jaamacadda Bariga Afrika, warbixintaaso ay dadkii ka soo qeybgalay u riyaaqeen macluumaad badanna ay ka heleen .

Maalintii 26ka August wafdigu wuxuu la kulmay Mr. Jussi Karakoski oo ah la taliyaha arimaha waxbarashada ee wasaaradda arimaha dibadda Finland, kulankaasi wafdigu wuxuu warbixin la xiriirta Jaamacadda ka siiyay la taliyaha , dhinaca kalena la taliyuhu wuxuu talooyin iyo macluumaad wax ku ool u soo gudbiyay wafdiga iyo sida ugu haboon  ee ay jaamacaddu ku heli karto mucaawanada wasaaradda Arimaha Dibadda ee Finland

Guud ahaan socdaalkii wafdiga Jaamacadda Bariga Afrika ee wadamada Sweden iyo Finland wuxuu ahaa guul u soo hoyatay guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan jaamacada Bariga Afrika.

East Africa University (EAU)

Bosaso,Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online