Madaxweynaha DFS oo kulamo la qaatay Madaxweynaha Turkiga, Amiirka Qadar, Iyo Hillary Clinton.

September 26, 2013 - Written by Editor

Newyork:-Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta kulamo gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda caalamka. Madaxweyne Xasan ayaa la kulmay Madaxweynaha Turkiga Mudane Cabdulah Guul, Amiirka Qatar H.H. Sheikh Tamiim Bin Xamad Al Thaani iyo Xoghayihii hore ee Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen guud ahaan amaanka Soomaaliya iyo Caalamka.

Madaxweynaha ayaa u mahad naqay Madaxweynaha Turkiga taakulaynta aan hagarta lahayn ee shacabka iyo Dowladda Turkigu ay siiyaan Soomaaliya “Soomaaliya marnaba Iloobi mayso walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen” wuxuu kaloo Madaxweynuhu dhigiisa u sheegay dhibaatooyinka Argagaxisadu ay ka wadaan Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale wuxuuna u sheegay baahida loo qabo in Amniga Soomaaliya kor loo qaado, si buuxdana loo  tayeeyo hay’adaha Amniga ee Soomaaliya si loo gaaro nabad waarta oo ka siman dhamaan Bariga Afrika.

 

 Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar

 

 Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay Amiirka dowladda Qadar Amiir SH. Tamim Bin Hamad Al Thaani Wuxuuna u sheegay “Kooxaha argagixisada markii laga adkaado, waxay isku dayaan inay waxyeeleeyaan shacabka caam ahaan, Naf iyo Maal ahaanba, waxaana looga hortagi karaa dhisitaanka ciidamada xoogga dalka”

 

 Amiirka ayaa sheegay in Dowladda Qatar aysana marnaba ka seexan doonin taageerada Soomaaliya ay u hayso, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Qatar ay sii wadi doonto la shaqaynata dowladda Soomaaliya.

 

 Kulanka Hillary Clinton

 

 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Hillary Clijnton, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Amniga, Waxbarashada iyo Dhaqaalaha Dalka.

 

 Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri “Aqoonsiga dowladda Soomaaliya la aqoonsaday maanta waxaanu ku helnay taakulayn Bankiga Aduunka, Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF), Bankiga Horumarinta Afrika. Waxaanu Saxiixnay ayuu yiri madaxweynuhu Heshiiskii Cotonou. Soomaaliyana horay ayey u socotaa gadaalna eegi mayno”

 

 

 

Ugu danbeyn maalinta berri ah ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qudbad ka jeedin doonaa xarunta weyn ee Qaramadda Midoobay.

 


 

Communication  President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online