Madaxweynaha DFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga
September 25, 2013 - Written by EditorMadaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo safar shaqo ah ku joogo dalka Maraykanka kulan khaas ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Boqortooyada dalka Sucuudiga H.H. Saud Bin Faisal. Kulankan ayaa Madaxweynaha iyo Wasiirku ay uga wada hadleen Arrimaha Nabad gelyada, Dhaqaalaha, iskaashiga xiriirka labada wadan ee soo jireenka ah.Madaxweyne DFS Xasan Shiikh oo u jooga magaalada New York Shir Sanadlaha Qaramada Midoobay oo maanta furmay ayaa kulankan khaaska ah kala hadlay H.H. Saud Bin Faisal soo celinta Safaaradda Sucuudiga ee Soomaaliya wuxuuna u sheegay in ku dhowaan 30 Safaaradood ay Soomaaliya ka shaqeeyaan, Dowladda Soomaaliyana ay diyaar u tahay sidii ay u meel marin lahayd dib u soo celinta Safaaradda Sucuudiga ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Xasan Shiikh ayaa kulan kale la qaatay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda u qaabilsan Arrimaha Afrika Marwo Linda Thomas Greenfield, wuxuuna warbixin kooban ka siiyey xaaladda Soomaaliya guud ahaan iyo dhanka amniga.
Marwo Linda Thomas ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay sidii Soomaaliya ay horay ugu socon lahayd, Dowladda Maraykankuna garab taagan tahay Soomaaliya mar walba ayey tiri Linda Thomas.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Shir Sanadlaha Qaramada Midoobay maalinta Khamiista,wuxuuna kulamo gaar ah la yeelan doonaa madax kala duwan maalmaha inaku soo aadan wuxuuna kala hadli doonaa qaabkii lagu taageri lahay dib u habeynta heyadaha amniga iyo soo celinta nabadda.
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia