Madaxweynaha DFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga

September 25, 2013 - Written by Editor

5Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo safar shaqo ah ku joogo dalka Maraykanka kulan khaas ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Boqortooyada dalka Sucuudiga H.H. Saud Bin Faisal. Kulankan ayaa Madaxweynaha iyo Wasiirku ay uga wada hadleen Arrimaha Nabad gelyada, Dhaqaalaha, iskaashiga xiriirka labada wadan ee soo jireenka ah.Madaxweyne DFS Xasan Shiikh oo u jooga magaalada New York Shir Sanadlaha Qaramada Midoobay oo maanta furmay ayaa kulankan khaaska ah  kala hadlay H.H. Saud Bin Faisal soo celinta Safaaradda Sucuudiga ee Soomaaliya wuxuuna u sheegay in ku dhowaan 30 Safaaradood ay Soomaaliya ka shaqeeyaan, Dowladda Soomaaliyana ay diyaar u tahay sidii ay u meel marin lahayd dib u soo celinta Safaaradda Sucuudiga ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan Shiikh ayaa kulan kale la qaatay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda u qaabilsan Arrimaha Afrika Marwo Linda Thomas Greenfield, wuxuuna warbixin kooban ka siiyey xaaladda Soomaaliya guud ahaan iyo dhanka amniga.

Marwo Linda Thomas ayaa sheegtay in dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay sidii Soomaaliya ay horay ugu socon lahayd, Dowladda Maraykankuna garab taagan tahay Soomaaliya mar walba ayey tiri Linda Thomas.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Shir Sanadlaha Qaramada Midoobay maalinta Khamiista,wuxuuna kulamo  gaar ah la yeelan doonaa madax kala duwan maalmaha inaku soo aadan wuxuuna kala hadli doonaa qaabkii lagu taageri lahay dib u habeynta heyadaha amniga iyo soo celinta nabadda.

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online