Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo ka hadlay dilka Abu Mansuur Al-Amriki

September 17, 2013 - Written by Editor

2Brussels:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dilka Abu Mansuur Al-Amriki iyo khilaafka ka dhex aloosan Ururka Al-Shabaab taas oo keentay in ay saraakiil muhiim ah iska khaarajiyaan. Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud ayaa ka hadlay dilka Abu Mansuur mar uu wareysi siiyey Idaacada VOA qeybteeda Afka Soomaaliga wuxuu sheegay in raga Muhaajiriinta ah ee lagu dilay gudaha soomaaliya ay muujinayso in awoodii Ururka Al-Shabaab ay bur burtay ayna haatan iyagii dib isigu noqdeen waxaana uu yiri”Marka ay guuldaro Milatari timaado waxaa bilawda far isku fiiq iyo khilaaf ”

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu maqlay dilka Abu Mansuur Al-Amriki iyo Usama Biratani oo ciidamo ka tirsan amniyaadka Al-Shabaab ee ka amar qaata Ahmed Godane ay ku dileen howdka Raam-cadey wuxuuna intaas raaciyey in Al-Shabaab ay sidoo kale rag Saraakiil ah oo Soomaali ah ay isaga ku dileen Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose sida Ibraahim Afgan iyo Macalin Burhaan.

Ururka Al-Shabaab ayaan wili wax war ah ka soo saarin dilka Abu Mansuur Al-Amriki iyo Usama Biratani taas oo ilaa haatan lala yaaban yahay xili ay afhayeenadooda ka hadlayaan qaraxii lala eegtay Ahmed Madoobe iyo Shirka shalay lagu soo afmeeray magaalada Brussels.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online