Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo la kulmay R/W Talyaaniga Enrico Letta
September 18, 2013 - Written by EditorRoma:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu horkacyo ayaa maanta kulan la qaatay Raisul wasaaraha dalka Talyaaniga Enrico Letta waxaana kulankooda ay uga wada hadleen arimaha Soomaaliya. Madaxweynaha DFS Xasan Sh.Maxamuud ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan wasiirada arimaha dibada DFS,Wasiirka maaliyada iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan,wasiirka G/dhiga DFS C/xakiin Faqi,iyo Wasiirudowlaha Madaxtooyada DFS Faarax Sheekh C/qaadir.
Raisulwasaaraha dowlada Talyaaniga Enrico Letta ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweynayo qodobadii iyo shirkii ka dhacay magaalada Brussels waxaana uu ku booriyey beesha caalamka in ay garab istaagto DFS. Dhanka kale Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyey dowlada Talyaaniga isaga oo xusay in dowlada Talyaaniga ay mar walba garab taagan tahay DFS waxaana uu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen sidoo loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Talyaaniga.
A/Cawale
Halgan.net