Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo la kulmay R/W Talyaaniga Enrico Letta

September 18, 2013 - Written by Editor

kulanRoma:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu horkacyo ayaa maanta kulan la qaatay  Raisul wasaaraha dalka Talyaaniga Enrico Letta waxaana kulankooda ay uga wada hadleen arimaha Soomaaliya. Madaxweynaha DFS Xasan Sh.Maxamuud ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan wasiirada arimaha dibada DFS,Wasiirka maaliyada iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan,wasiirka G/dhiga DFS C/xakiin Faqi,iyo Wasiirudowlaha Madaxtooyada DFS Faarax Sheekh C/qaadir.

Raisulwasaaraha dowlada Talyaaniga Enrico Letta ayaa sheegay in uu aad u soo dhaweynayo qodobadii iyo shirkii ka dhacay magaalada Brussels waxaana uu ku booriyey beesha caalamka in ay garab istaagto DFS. Dhanka kale Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyey dowlada Talyaaniga isaga oo xusay in dowlada Talyaaniga ay mar walba garab taagan tahay DFS waxaana uu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen sidoo loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Talyaaniga.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online